85 qof oo weli la la’yahay kadib dhulgariir ka dhacay Taiwan

Waxaa dalka Taiwan weli ka socdo howlaha samata bixinta ee lagu baadigoobaya 85 qof oo la la’yahay kadib markii dhulgariir xoogan oo ka dhacay wadankaasi ay ku dhinteen ila iyo 4 qof.
Dhulgariirkan ayaa cabirkiisu lagu sheegay 6.4 waxuuna ka dhacay meel masaafo dhan 22 kiilomitir u jirta magaalada caanka ah ee loo dalxiis tago ee Hualien
Macluumaadkii ugu dambeeyay ee ay dowalada dalkaasi soo saartay ayaa muujinaya in dadka dhaawacmay ay tiro ahaan gaarayaa 243 halka inta weli aanan la helin ay yihiin 85.
Dadka la la’yahay badankoodu waxaa la aaminsanyahay inay ku hoos jiraan dhismooyinka halkaasi ku yaalo oo uu ka mid yahay isbitaal ay leeyihiin ciidamada militariga.
Magaalada Hualien ayaa waxaa ku nool ilaa 100,000 ooq of waxaana wadooyinka laga dareemaya burburka ka dhashay dhulgariirka saameeyay.
40,000 oo guri ayay soo foodsaartay biyo la’aan halka 1,900 oo kalena ay koronto la’aan haysato.
Sanadkii 2016-kii in ka badan 100 qof ayaa ku dhimatay dhulgariir ka dhacay koonfurta Taiwan

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *