Alexis Sanchez Oo 16 Bilood Xabsi Ah Lagu Xukumay

Alexis Sanchez ayaa aqbalay 16 bilood oo xabsi ah oo lagu bedelan karo ganaax lacageed oo gaaraya € 1million kadib markii lagu helay lunsiga canshuur intii uu joogay Barcelona.
Weeraryahanka Manchester United ayaa lagu riday xabsi waafaqsan sharciga Isbaanishka, kadib markii lagu helay cadeymo muujinaya inuu lunsaday canshuur.
Sida ay soo warisay wakaaladda wararka Spain EFE, Sanchez ciqaabtiisa ayaa la xiriirta inuu qarsaday dakhliga kasoo galay xuquuqda muuqaalo intii u dhexeysay 2012 iyo 2013.
Sanchez ayaa qirtay dambigiisa, waxaana uu ogolaaday inuu bixiyo lacagaha lagu bedelan karo xabsiga 16ka bilood ah sida warbixinta lagu sheegay.
Sanadkii 2016kii, Lionel Messi ayaa lagu xukumay 21 bilood oo xabsi ah kadib markii lagu helay dambi la xiriira canshuurta Spain.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *