DHAGEYSO Shirka amniga qaranka oo lagu wado in maanta la soo gabagabeeyo

Waxaa lagu wada in galinka danbe ee Maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya lagu soo gabagabeeyo , war murtiyeedna laga soo saaro Shirka Amniga Qaranka ee shalay halkaasi ka furmay.
Wasiirka waaarada Gaashaanshigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo shirkan faah faahinayay ayaa xusay in warbixino kala duwan laga dhageystay Madaxda Maamul Goboleedyada, Talisyada Ciidamada amaanka, Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga.
Sidoo kale Wasiirka difaaca wuxuu sheegay in shirka looga dooday sidii Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay ula wareegi lahaayeen Masuuliyadda amniga dalkooda, oo hada qaybo badan ay gacanta ku hayaan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, arrintaasna meel wanaagsan ay mareyso.

Madasha amaanka qaranka ayaa lagu wadaa in laga soo saaro war Murtiyeed ay ku xusan yihiin waxyaabihii ka hirgalay Shirarkii hore ee Muqdisho ka dhacay ee dhex maray madaxda dowlada dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada,Shirkaan ayaana noqonaya midkii 6-aad oo ay Goluhu yeeshaan oo looga hadlayo arimaha amaanka dalka Soomaaliya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *