Maamulka NDMA oo ka digay inay abaarta ka jirto Marsabit sii daba dheeraato

Maamulka qaran ee maareynta abaaraha ee magiciisu loo soo gaabiyo NDMA ayaa ka digay in ismaamulka Marsabit laga cabsi qabo inay saameyso abaar sii daba dheerato
Agaasimaha maamulkan ee dowlad degaanka Marsabit Golicha Guyo ayaa ka dhawajiyay in abaarta halkaasi ka taagan ay suura gal tahay inay sii jirto mudo 3 bilood oo kale.
Mr Guyo ayaa intaasi ku daray inay bilabeen qiimeyn la xariirta abaarta iyo saameynta ay ku reebtay dadka iyo duunyada halkaasi ku sugan.
Waxaa uu sido kale hoosta ka xariiqay in dadaalada lagu xakameynaya abaarta loogana hor tagayo inuu ka sii dhasho khasaare baahsan laga fulinayo 23 ka mid ah ismaamulada dalka.
Mr Guyo ayaa sido kale sheegay in ismaamulkaasi uu sanadkii la soo dhaafay ka da’ay roob aanan badneyn biyihii la keydsadayna ay sii dhamaanayaan.
Madaxa NDMA ee ismaamulka Marsabit ayaa sheegay in tuulooyinka Ambalo iyo Badalelo ee degaanka Moyale inuu soo foodsaaray gabaabsi dhanka biyaha iyo dhaaqa ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *