Warbaahinta Nation oo raali gelin ka bixisay ganacsade sawirkiisa la adeegsaday oo la sheegay inuu dhintay

Warbaahinta Nation ee sida gaarka ah loo leeyahay ayaa raali gelin ka bixisay sawir la soo daabacay oo lagu sheegay inuu yahay ganacsade caan ah oo lagu magacaabo Jimi Wanjigi kaasi oo laga dhawajiyay inuu geeriyooday oo la aasayo.
Xayeysiintan ayaa lagu soo daabacay boga 49-aad ee wargeyska maanta.
Qofkaasi dhintay ayaa magicisiu lagu sheegay James Richard Wanjagi, hasa ahaate sawirka la saaray ayaa qaldanaa.
Bayaan ay shirkadan soo saartay ayay ku sheegtay in arrinkaasi uu ahaa qalad dhacay oo ay ka qoomamooneyso saameynta ka dhalatay.
Waxaa bayaanka Nation qeyb ka ah in la qaaday tallabo degdeg ah oo ka dhan ah cid kasta oo arrinkaasi mas’uuliyadeeda leh iyadoo booliskana lagu wargeliyay si ay baaritaano u sameyaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *