DHAGEYSO Ismaamulka Wajeer oo lagu qabtay maandooriya ku kacaya in ka badan 7 milyan oo shilin

Taliyaha saldhiga booliska ee bariga Wajeer Jotham Wanyama ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay gacanta ku soo dhigeen baabuur siday maandooriyaha loo yaqaano xashishka.
Balwadaaasi ayaa lagu qiyaasay 731 oo kiilogaraam oo qiimo ahaan u dhiganta lacag dhan 7.3 milyan oo shilinka dalka.
Waxaa uu intaasi kui daray inay hawlgalka sameyeen kadib markii dadweynaha ay xog muhiim ah ka heleen.
Sarkaalkan ayaa sido kale shacabka ku nool ismaamulka Wajeer uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay ula shaqeynayaan ciidamada booliska.

Dhanka kale waxaa magaalada Wajeer saaka ka ambabaxay wafdi balaadhan oo isugu jiray safiiro, wakiilo ka socday qaramada midoobay , FCDC, bangiga adduunka iyo hay’ado kale oo shalay yimid waxayna xalay kulan la qaateen sarakiil ka tirsan ismaamulka Wajeer.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *