DHAGEYSO Shir Saxafadeed lagu qabtay hoteelka PanAfric

Waxaa maanta magaalada Nairobi gaar ahaan maqaaxida PanAfric lagu qabtay shir saxaafadeed uu soo qabanqaabiyay sanduuqa lacagaha howlgabka ee loo yaqano County pension Fund waxaana lagu soo bandhigay adeeg cusub oo loogu talagalay macaamiisha muslimiinta ah.
Adeegyada uu bixiyo sanduuqa lacagaha howlgabka ee loo soo gaabiyo CPF ayaa waxaa ka mid ah maareynta lacagaha ay dowlada siiso shaqalaha ismaamulada.
Lacagtaasi ayaa waxaa la jaraa qeyb ka mid ah si ganacsi loogu maalgeliyo faaiidada ka soo baxdana qofkaasi loo siiyo marka uu hawlgab noqdo.
Adeegan oo loogu tala galay macaamiisha musliimiinta ayaa meesha ka saaraya ribadda maadama uu yahay mid waafaqsan shareecada islaamka
Hadaba Sheekh Maxamad Ibrahim Shakuul oo ka mid ah culimadii indha indheeyay adeegan ayaa waxaa uu sharaxaya barnaamijka maanta la daahfuray ee sanduuqa CPF.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *