Nin fariin hanjabaad ah u diray Xoghayaha Xisbiga Jublee oo damiin lacageed lagu sii daayay

Nin fariin hanjabaad ah u diray xoghaya guud ee xisbiga Jublee Raphael Tuji ayaa maxkamada ku sii deysay damiin lacageed oo gaaraysaa 100,000 oo shilinka dalka ah.
Nin oo lagu magacaabo Richard Aketch, oo 48 jir ah ayaa maxkamada ka soo hormuuqday ka dib markii lagu soo eedeeyay in dhambaal hanjabaad ah u qoray Raphael Tuju oo ah xoghaya guud ee xisbiga talada dalka haya.
Ciidamada booliska ayaa markii ay baaritaanka eedeysanahani dhameeyay ayay u gudbiyeen maxkamada iyadoona maxkamada ay amartay in ninkaasi lagu sii daayo damiin lacageed.
Richard Aketch oo ah edeeysanaha ayaa sheegay inuu yahay aabe qoys leh uuna u hogaansami doono amar walba ee ka soo baxaa maxkamada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *