DHAGEYSO Taliyeyaasha saldhigyada magaalada Muqdisho oo lala xisaabtamayo.

Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliya DR Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in waaxyaha garsoorka Soomaalia ay guda galayaan la xisaabtanka saraakiisha amaanka gaar ahaan taliyeyaasha maamula saldhigyada ku yaala magaalada Muqdisho maadaama sida uu xeer ilaaliyuhu sheegay ay ku kacaan qaladaad waa weyn oo ka hor imaanayada sharuucda u degsan dalka Soomaalia.
Xeer ilaaliyuhu wuxuu xusay in qaar ka mid ah saldhigyada ciidamda Booliska ee gobolka Banaadir si sharci daro ah loogu xiro dad shacab ah oo aan wax danbi ah galin, in mararka qaar warbixino khaldan ay la wadaagaan waaxda garsoorka taasoo qasab ka dhigaysa in la xoojiyo isla xisaabtanka taliyeyaasha ciidamada Booliska ee gobolka banaadir.
Xeer ilaaliyaha qaranku wuxuu dhanka kale sheegay in cidii howl wanaagsan qabata oo si haboon uga soo baxda waajibkeeda ay mutaysan doonta abaal marin ay waaxda garsooorku ugu tala gashay.

Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliya dr Axmed Cali daahir wuxuu intaasi raaciyay inay ka go’an tahay sidii gormeero loogu samayn lahaa maxkamadaha iyo saldhigyada si loo hubiyo hawalaha ka socda inay yihiin kuwo hufan iyo inkale.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *