Layaab! DHAGEYSO Haweenay laga dhacay dahab ka dib markii gacanta lagu salaamay

waxaa suura gal ah in soomaali badan aysan arrintan horay u qabsan, ay maqleen balse weli aynan ku baraarugin.
Qaar ka mid ah ayaa laga yaaba inay sheeko la tahay balse maanta ayay xaafada south C ee ismaamulka Nairobi ka dhacday.
Waxaa ay saameysay xaaska nin lagu magacaabo Aadan kheyr .
Weli ma suureysatay in qof aadan aqoon u lahayn oo aad gacanta ku salaantay ay keeni karto inaad ku weyso dahab iyo hanti kale oo muhiim ah.
Waxaa inoo suura gashay inaan wareysano Aadan kheyr aadan oo dhacdadaasi loo geystay xaaskiisa .

Alle umada muslimiinta ah dhibatadaasi oo kale haka badbaadiyo.
Intaadan dahab celis ah iibsan isweydii su’aasha ah ma laga soo dhacay gabadh walaasha ah
Arrimahan oo kale ayaa marar badan laga soo tabiyaa gudaha magaalooyinka waweyn ee dhageystow gaar ahaan haweenka feejignaan dheeraad ah muujiya inta iinan la macaamilin qof aadan garaneyn oo si kadis ah aad kula kulantay .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *