Qareen lagu eedeyay inuusan u hoggaansamin shuruucda wadooyinka oo damiin lagu siidaayay

Waxaa damiin lacageed oo dhan 30 kun oo shilinka dalka ah lagu siidaayay qareen u doodo xuquuqul aadanaha oo lagu magacaabo Harun Ndubi oo xalay gacanta lagu dhigay.
Garyaqaankan ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu baabuurkiisa dhigay bartamaha wadada isagoo darogeysan taasi oo sharci darro ah.
Sido kale eedeymaha loo soo jeediyay ayaa waxaa ka mid ah inuu iska dhaga tiray amarka sarkaal ka tirsan booliska.
Hasa ahaate eedeymahaasi ayuu iska fogeeyay waxaana lagu siidaayay 30,000 oo damiin ah.
Taliyaha booliska ee ismaamulka Nairobi Japheth Koome ayaa sheegay in xalay abaare 8.45 ee fiidnimo qareenkan la soo qabtay xili uu gaarigaasi dhigay wadada Jakaya Kikwete ee magaalada Nairobi .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *