DHAGEYSO Maamulada degmooyinka Muqdisho oo lagula xisaabtamayo nadaafada caasimada.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inay wadaan qorshe wax looga qabanayo nadaafada magaalada Muqdisho si looga hortago caafimaaad darada ka dhalainkarta Nadaafada aan wanaagsanayn.
Maamulka gobolka Banaadir wuxuu kaloo sheegay in maamulada degmooyinka Muqdisho lagula xisaabtami doona waxkasta oo ku saabsan nadaafad darada degmooyinka sidoo kalena aan marana la aqbali kari waxyaabaha qarinaya bilicda caasimada Muqdish.
Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada ee maamulka gobolka Banaadir Marwo Basma Cumar Shakeeti ayaa sheegtay in qofkasta oo Muqdisho ku nool ay kula xisaabtamayaa nadaafada goobta uu degan yahay iyo sidoo kale goobta uu ku ganacsado

Isniintii shalay ayay ahayd markii gudoomiyaha gobolka Banaadir sidoo kalena ah duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow uu daah furay olalaha nadaafada gobolka iyo bilic soo celinta caasimada Soomaaliya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *