DHAGEYSO Shacabka ku nool waqooyi bari oo ka hadlay waxyaabaha ay ka faaiideen idaacadda star FM

Sanad kasta taarikdhu marka ay ku beegantahay 13-ka bisha labaad ee Febraayo waxaa caalamka laga xusaa maalinta raadiyaha adduunka.
Qaar kamid ah dadka ku nool magaalada Garissa ayaa muujiyay dareenkooda ku aadan faa iidooyinka uu raadiyaha u leeyahay gaar ahaan waxyaabaha ilaa iyo hadda ay ka dhaxleen idaacadda star Fm.

Sido kale shacabka ismaamulka Mandhera ayaa ka hadlay xuska maalintan

Xuska maalintan ayaa loogu talagalay in la sameeyo wacyi gelin ku aadan muhimadda uu raadiyaha leeyahay .
Waa sanadkii todobaad oo maalinta raadiyaha adduunka loo dabaaldego waxaana sanadkan diirada la saaraya xariirka ka dhexeya cayaraha iyo raadiyaha.
Markii ugu horeysay waxaa la xusay sanadkii 2012-kii kadib markii lagu aas-aasay shir weyne ay qabatay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan waxbarashada, saayniska iyo dhaqanke ee UNESCO kadibna uu hirgeliyay golaha guud ee jimciyada qurumaha ka dhexeysa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *