Haweeney ay aad isugu dhawayeen madaxweynihii hore ee kuuriyada koonfureed oo lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah

Choi Soon-sil oo ah haweeney ay saaxibbo ahaayeen madaxweynihii hore ee kuuriyada koonfureed Park Geun-hye, ee xilka laga qaaday ayaa lagu xukumay 20 sano oo xarig ah.
Waxaa lagu eedeyay inay qeyb ka ahayd fadeexaadii keentay in xilka ay ka degto haweeneydii hoggaamineysay xukuumada Seoul.
Haweeneydan aya eedeymaha loo soo jeediyay waxaa ka mid ahaa inay Park Geun-hye ka wada shaqeyeen in malaayihiin lacag ah laga qaato qaar ka mid ah shirkadaha dalkaasi sida Samsung iyo Lotte.
Sido kale waxaa lagu dhaliilay in saaxibnimadii kala dhexeysay Park ay u adeegsatay inay faragelin ku sameyso arrimaha dowlada.
Dacwadaha lagu soo oogay sida inay awoodeeda ku takriifashay, inay laaluush qaadatay iyo inay faragelisay arrimaha dowlada kuuriyada koonfureed ayaa waxaa ku caddeeyay maxkamad ku taalo degmada bartamaha Seoul.
Garsoore lagu magacaabo Kim Se-yoon ayaa sheegay in Choi ay ka shaqeysay in shirkadaha qaar ay lacago ugu deqaan hay’ado ay maamusho.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *