Nin Kenyaan ah oo lagu qabtay Hindiya isagoo sido 23 kiilogaraam oo dahab ah

Nin u dhashay dalkani Kenya laguna magacaabo Cabdalla Cali Saciid ayaa lagu soo waramayaa in lagu qabtay gudaha Hindiya isagoo siday dahab lagu sheegay 23 kiilogaraam.
Eedeysanahan oo ah 29 sano jir ayay wararku intaasi ku darayaan inuu ka mid ahaa shaqaalaha shirkada diyaaradaha ee Kenya Airways .
Dahabka lagu soo helay ayaa qiimihiisu lagu qiyaasay 100 milyan oo shilin.
Booliska magaalada Mumbai ayaa laga soo xigtay in dahabka uu doonayay inuu ku wareejiyo Ibrahim Cali Xussein,.
Wargeyska The Times of India ayaa ku waramaya in dahabkaasi uu yahay midkii mug ahaan ugu badnaa oo lagu qabto gudaha dalkasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *