Turkiga oo Maraykanka ku eedeyay inuu hubeynaya argagixisada

Ku xigeenka ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga Hakan Cavusoglu ayaa dhaliilay qorsho la sheegay inuu wado militariga wadanka Maraykanka.
Waxaa uu carabka ku dhuftay in tallabadaasi ay saameyn ku yeelan karto xariirka ka dhexeya xukuumadaha Ankara iyo Washington.
Soo jeedin ku aadan miisaaniyad sanadeekda Maraykanka ayaa lagu sheegay in waaxda gaashan dhigga ee dalkaasi ay codsanayso lacag dhan 550 millyan oo doolar oo lagu qarash gelinaya in tababar la siiyo kooxda PYD ama PKK ee isugu yeero SDF.
Hakan Cavusoglu oo u waramay kanaalka TRT ee Turkiga ayaa sheegay in Maraykanka looga baahanyahay inuu qaato mowqif ka dhan ah kooxaha loogu yeero argagixisada .
Muddo 33 sano ah waxaa uu dagaal ka dhexeyay kooxda PKK iyo ciidamada Turkiga taasi oo ay ka dhalatay dhimashada tobanaan kun oo qof.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *