UNICEF oo sheegtay in sanadkan gudihiisa 3.9 milyan oo qof oo Kenyaan ah ay soo foodsaareyso cuno yari

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan caruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in sanadkan 2018-ka ay sara u kici doonto tirada Kenyaanka ah ee ay cuno yarida haysato.
Sanadkii hore ee 2017-kii, 3.4 milyan oo qof oo u dhashay dalka ayaa wajahayay cuno yari hasa ahaate waxaa sanadkan la saadalinaya in tiraaasi ay noqon doonto 3.9 milyan.
Sido kale warbixinta ay hay’addan soo saartay ayaa lagu sheegay inay badan doonto tirada caruurta ay da’dooda ka hooseyso 18 sano ee ay arrintan saameyn doonto.
Bishii sideedaad ee sanadkii aan ka soo gudubnay waxay ahayd 1.6 milyan hasa ahaate UNICEF ayaa sheegtay in tiradaasi ay gaari karto 1.8 milyan oo caruur ah.
Qiyaastii 482,882 oo caruur ah ayaa u baahan in laga daweeyo nafaqo darro aad u daran halka boqolkiba 88 ee caruurtan ay ka soo jedaan degaanada oomanaha ee loo yaqaano ASAL .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *