WAR DEG DEG Ah Xeer ilaaliyaha guud ee dalka oo iscasilay

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Prof Githu Muigai ayaa maanta xilkiisa iska casilay  ka dib markii uu istiqaaladiisa u gudbiyay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta.

Prof Githu Muigai ayaa jagadani haayay lix sano iyo bar isagoona xeer ilaaliyaha guud ee dalka loo magacaabay sanadkii 2011-kii.

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta ayaa sheeegay inuu ka xunyahay iscasilida xeer ilaaliyaha guud balse waxaa uu intaas ku daray inuu uga mahadcilinayo inta mudada ah oo uu xilkaasi hayay.

Mr Uhuru ayaa sido kale sheegay inuu  badalkiisa u magacaabay  Paul Kihara Kariuki waxaa uuna sido kale madaxweynuhu magacaabay Kennedy Ogetom oo noqonayaa madaxa dhagaysiga dacwadaha maxkamadaha dalka.

Ila iyo hadda lama oga sababaha uu isku casilay xeer ilaaliyaha guud ee dalka Githu Muigai

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *