Wasaaradda deggaanka ee dalka soo soo saartay digniin ku aadan roobabka La Nina

Xoghayaha wasaaradda deggaanka ee dalka Charles Sunkuli ayaa soo saaray digniin uu shacabka u jeedinaya oo ah in laga cabsi qabo in roobab xooggan ay da’aan.
Roobabkan aya la filayaa inay ka da’aan dhanka badda basifikada.
La Nina ayaa waxaa lagu garanaya qaboow marka la barbardhigo roobabka loo yaqaano El Niño ee qeybo ka mid ah dalka ku dhuftay 20 sano ka hor.
Xoghayaha ayaa sheegay in sayaansiyaahano , cilmi baarayaal iyo khuburo ku taqasusay cimilada ay indha indheynayaan xaaladda jirta iyo digniinada la jeedinayo.
Dhanka kale agaasimaha urur goboleedka ka shaqeysa hormarka dhanka saadaasha cimilada Guleid Artan ayaa sheegay in bilooyinka soo socdo 6 milya oo qof oo ku nool gudaha dalka soomaaliya ay wajihi doonaan saameyn ba’an oo ka dhalatay abaaraha.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *