Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka oo ka hadlay saameynta ka dhalan kartaa khilaafka ka jiraa dalalka carabta

Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka Rex Tillerson ayaa sheegay in loo dulqaadan Karin xurgufta ka dhaxaysa dalalka Carbeed isagoona sheegay in kooxda ISIS ay awoodeeda sii kordheyso hadii aan la xalin khilaafka ka dhaxeeya wadamada carabta.
Rex Tillerson ayaa sheegay in Maraykanka uu ka hor tagi doono weerarda ay geystaan kooxaha loogu yeero Argagixisada.
Hadalkan ayuu ka jeediyay xoghayaha arrimaha dibada ee dalka Maraykanka shir maanta ka dhacayay Kuwait.
Bishi June ee sanadkii hore ayay ahayd markii dalka Qadar ay xariirka u jareen qar ka mid ah wadamada carabta.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *