Maraykanka oo ka jawaabaya weerar ka dhacay Suuriya

Waxaa weli isa soo taraya hadalada kala duwan iyo cambareynta ay jeedinayaan qaa r ka mid ah madaxda wadamada caalamka eek u aaddan weerar laga geystay gudaha Suuriya.
Xukuumada Washington ayaa dowlada Ruushka ku eedeysay inay kiimiko u adeegsatay weerarkaasi.
Hoggaamiyaha ugu sareeya ee Maraykanka Donald Trump ayaa ballanqaaday in uu awood adeegsan doono marka uu jawaabta ka bixinayo weerarka kiimikada ah ee la sheegay in uu ka dhacay dalka Suuriya,
Trump ayaa sheegay inay u banaan yihiin qaabab badan oo milatari isagoo intaasi raaciyay inay go’aan qaadan doonaan wax yar ka dib
Wadamada Maraykanka, ingiriiska, Faransiiska iyo 6 dal oo kale ayaa shalay ku baaqay kulan degdeg ah.
Waxaa magaalada Douma ee Suuriya sabtidii lagu dilay dad dhowr ah oo ay ka mid yihiin haween iyo caruur taasi oo ay ka dhalatay qeylo dhaan caalami ah.
Dowladaha Suuriya iyo Ruushka oo farta lagu fiiday ayaa iska fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay halka Israa’iil oo sido kale la tuhmay aysan weli ka halin.
Safiirka Maraykanka ee qaramada midoobay Nikki Haley, aya sheegtay in Maraykanka uu diyaar u yahay inuu ka ficil celiyo weerarkaasi xita hadii golaha amniga ee qaramada midoobay uusan wax tallabo ah qaadin.
Waxay hoosta ka xariiqday in la joogo xiligii caalamka uu ogaan lahaa inay cadaalad jirto.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *