Laba qof oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo lagu dilay ismaamulka Kwale

Laba qof oo looga shakisan yahay in ay gacan saar la leeyihiin kooxda  Al-Shabaab  ee ka dagaalanta gudaha Somalia ayaa maanta  lagu toogtay ismaamul gobolkeedka Kwale sida ay xaqiijiyeen laamaha Ammaanka.

Labani qof ayaa la sheegay in ay u soo dagaalameen kooxda Al-Shabab iyagoona ku soo laabtay dalka.

Tani ayaa imaanaysaa ka dib markii laamaha amaanka ee dalka ay ku jiraan heegan sare oo dhanka amnika ah ka hor bisha barakaysan ee Ramadaanka.

Shacabka Kenyaanka ah ayaa lagu booriyay inay feejignaan muujiyaan inta lagu guda jiraa Bisha Barakaysan ee Ramadaanka.

Ciidamada Booliska ayaa sheegay in awooda kooxda Al-Shabaab ay hoos u dhacday balse ay bisha Ramadan qorsheynayaan weeraro.

8-dii bishan May ayaa ciidamada Booliska dalka lagu amray inay feejignaan dheeraad ah ku jiraan oo ayn sugaan amniga xuduuda dalka uu la wadaago wadanka Somalia.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *