Madaxweynaha Turkiga oo ku baaqay kulan degdeg ah oo ay yeelanayso hay’adda iskaashiga wadamada islaamka

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa soo jeediyay in iskaashiga wadamada islaamka ee OIC uu yeesho kulan degdeg ah .
Waxaa soo jeedinta kulankaasi warfidiyeenada u xaqiijiyay afhayeen u hadlay madaxtooyada Turkiga.
Arritan ayaa ku soo aadeysa hal maalin un kadib markii safaaradda Maraykanka uu ku lahaa magaalada Tel Aviv ee Israa’iil loo wareejiyay Quddus .
Waxaa tallabadaasi ka dhashay dibadbaxyo maalmihii la soo dhaafay ay marinka Qaza ka sameynayeen falastiiniyiinta ilaa iyo haddana ciidamada Israa’iil ay ku dileen 58 qof halka in ka badan 2,700 oo kalena lagu dhaawacay.
Afhayeenka madaxtoooyada Turkiga Bekir Bozdag ayaa sheegay in xukuumada Ankara ay doonayso in iskaashiga OIC oo ka kooban 57 xubnood uu kulan yeesho maalinta jimcada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *