Maxkamada Mombasa oo maanta go’aan ka gaareysa racfaan ay gudbisay Xaaskii Aboud Rogo

Maxkamada ismaamulka Mombasa ayaa maanta la filaya inay go’aan ka gaarto racfaan ay soo gudbisay xaaskii uu ka tagay wadaadkii lagu magacaabi jiray Aboud Rogo, Hania Sagar .
16-kii bishii labaad ee sanadkan ayay ahayd markii haweeneydan ay maxkamada ku xukuntay 10 sano oo xabsi ah.
Maxkamada aya go’aankaasi shaaca uga qaaday dokumeenti ka kooban 125 bog.
Haweeneydan ayaa lagu eedeyay inay si toos ah ula xariiri jirtay seddex qof oo lagu eedeyay argagixisanimo oo 11-kii bishii sagalaad ee sanadkii 2016-kii weeraray saldhiga dhexe ee booliska ee Mombasa.
Tasnim Yakub, Ramla Cabdiraxman Xussein iyo Maimuna Cabdiraxman ayaa la dilay weerarkaasi kadib.
Garsooraha kiiskaasi dhageysanaysay oo lagu magacaabo Diana Mochache aya sheegtay in Mrs Sagar xukunkaasi la dul dhigay si dadka kale ay ugu cibra qataan.
Mrs. Sagar ayaa sido kale lagu eedeyay inaysan shaacin macluumaadka dadkii xarunta booliska weerarka ka geystay.
Waxay haysatay muddo 14 maalmood ah oo ay u soo bandhigi karto dareenkeeda ku aaddan xukunka lagu riday taasi oo ay ku tallaba qaaday.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *