Ururka barayaasha jaamacadaha ee UASU oo diiday mushaar kordhin loo soo bandhigay

Mas’uuliyiinta ururka ay ku bahobeen barayaasha jaamacadaha dalka ee UASU ayaa ka biyo diiday inay boqolkiba 1.75 oo ah mushaar kordhin ay dowlada u soo bandhigtay.
Mushaar kordhintan ayaa la dhaqangelin doonaa muddo 4 sano ah iyadoo aanan sara loo qaadin gunnooyinka dhanka guriyaha ah.
Waxaa qiimahaasi soo bandhigay golaha wada tashiga ee ka dhexeya jaamacadaha ee IPUCCF oo uu matalayay Isaac Mbeche .
Waxaa uu Mr. Issac soo jeediyay in barayaasha sanad waliba mushaarka ay qaataan lagu kordhiyo boqolkiba 0.43 .
Xoghayaha guud ee ururka USAU Constantine Wasonga ayaa sheegay inaysan soo jeedintaasi marnaba ogolaan doonin.
Waxay tani micnaheedu tahay inay sii socon doonto shaqa joojinta ay barayaasha jaamacada dowliga ah ee dalka ku dhaqaqeen 1-dii bishii maarso ee sanadkan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *