Baroor diiq loo sameynayo dadkii ku dhintay biyo xireenkii Patel ee Nakuru

Munaasabad baroor diiq ah oo loo sameynayo 48 qof oo ku nafwaayay ismaamulka Nakuru ayaa maanta ka socoto magaalada Solai.
Waxaa toddobaadkii hore qarka jabsaday biyo xireenka sida gaarka ah loo leeyahay ee Patel kaasi oo uu ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Waxaa munaasabadda ka qeyb galaya mas’uuliyiin ay hor kacayaan madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa Willaim Ruto.
Dhacdadaasi kadib dowlada ayaa shaacisay inay hal bilyan ugu deeqeyso qoysaska ku waxyeeloobay daadadka ka dhashay roobabka lixaadka leh ee ka da’aya qeybo ka mid ah wadanka.
Isku duwaha amniga ee gobolka Rift Valley oo ay Nakuru ka tirsantahay Mwongo Chimwanga, ayaa sheegay in qaar ka mid ah meydadka la aasayo maanta oo arbaco ah iyo khamiista berri ah.
Waxaa dhanka kale socdo baaritaano ku aaddan sababtii keentay dhibatadaasi halka qaar ka mid ah mudanayasha dalka ay soo jeediyeen in la soo xiro kadibna maxkamada la geeyo mulkiilayaasha biyo xireenka Patel.
Mulkiilaha goobtaasi Mansukh Patel aya raali gelin ka bixiyay dhibataada dhacday waxaa uuna tacsi u diray qoysaska dadkii ay saameysay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *