Booliska oo sheegay in bisha ramadaan amniga la xoojinayo

Laamaha amaanka ee dalka ayaa sheegay inay amniga qaranka si weyn u xoojin doonaan bisha barakeysan ee ramadaan ee lagu wado inay bilaabato maalinta berri oo khamiis ah.
Afhayeenka waaxda qaran ee adeega booliska Charles Owino ayaa shacabka kenyaanka ah ugu baaqay inay feejignaan muujiyaan.
Waxaa uu Mr. Owino intaasi ku daray in la kordhin doono tirade booliska ee ku sugnaanaya goobaha dadweynaha ay isugu soo baxaan.
Arrintan ayaa timid kadib markii laamaha amaanka ay sheegeen inay heleen macluumaad ku saabsan sirdoonka oo ah in kooxaha geysta falalka amniga lid ku ah ay qorsheynayaan inay fuliyaan weeraro argagixiso.
Shalay ayay ahayd markii laba qof oo lagu eedeyay inay dib ugu soo laabteen soomaaliya lagu toogtay ismaamulka Kwale ee gobolka xeebta.
Safaaradda maraykanka ee magaaladatani Nairobi ayaa dhankeeda ka digtay weeraro laga geysan karo gudaha dalka.
Dhanka kale madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa bulshada muslimiinta ah u rajeeyay ramadaan wanaagsan.
Waxaa uu ugu baaqay inay mar waliba xasuustaan dhibaatooyinka wadanka ka jira oo ay Alle uga baryaan inuu ka saaro.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *