dhageyso Gudiga Dastuurka Soomaaliya oo waxba kama jiraan ku tilaamay in la xaday Dastuurka Soomaliya.

Gudoomiyaha gudiga labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan dib u eegista Dastuurka qabyada ah Senetor Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid ayaa sheegay inaysn cidna ka aqbali doonin Dastuurka Soomaaliya in laga faafiyo waxyaabo been abuur ah sida in la xaday,waxka badal ay dad gaara ku sameeyeen iyo inuusan ka turjumayn danaha qaranka Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha gudiga Dastuurka ee baarlamaanka Soomaaliya Senetor Qaybdiid ayaa sheegay in xeerkaan ay soo ansixiyeen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed uuna gacanta ku hayo gudoomiyaha golaha shacabka sidoo kale nuquladiisa loo qaybiyay dhamaan labada aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Hadalka gudoomiyaha gudiga Dastuurka Soomaaliya Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid ayaa imaanaya xili todobaadyadii aan ka soo gudubnay si weyn la iskula dhexmarayay hadal haynta ku saabsan in nuqulka saxda ah ee Dastuurka Soomaaliya la xaday maadaama uu kal hore sidaas sheegay gudoomiye ku xigeenka koobaad ee baarlamaanka Soomaaliya C/wali Sheikh Ibraahim Muudeey.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *