Dowlada oo u digtay shacabka ku nool hareeraha webiga Tana River

Dowlada dhexe ayaa soo saartay digniin la xiriirta fatahaado oo ay u jeedinayso shacabka ku nool agagaarka webiga Tana River.
Wasiirka wasaaradda biyaha iyo waraabka ee dalka Simon Chelugui ayaa sheegay in muddo hal toddobaad kadib laga cabsi qabo inay saameyn ku timaado qoysaska ka agdhow webiga ee ku nool ismaamulada Garissa iyo Tana River.
Waxaa uu arrinkaasi u aaneeyay inay sara u soo kaceen heerka biyaha ee ceel biyoodka weyn eee Masinga Dam oo ay suura gal tahay inuu qarka jabsado xili kasta ilaa iyo jimcada.
Ismaamulada Tana River iyo Garissa ayaa ka mid ah maamul goboleedyada ay saameynta ka soo gaartay roobabka lixaadka leh ee weli ka da’aya qeybo ka mid ah wadanka iyo daadadka ka dhashay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *