Guatemala oo safaarad ka furatay Quddus

Wadanka  Guatemala ayaa maanta noqday dalkii labaad oo safaarad ka furto  Quddus oo ka tirsan falastiin kadib markii  maraykanka uu dhawaan qaaday  tallabadaasi mid la mid ah.

Munaasabadda  Quddus looga furayay safaaradda Guatemala ayaa waxaa  ka qeyb galay  madaxweynaha  dalkaasi   Jimmy Morales iyo ra’iisul wasaaraha  Israa’iil   Benjamin Netanyhau.

Waxay qeyla dhaan caalami ah ka dhalatay  safaaradii maraykanka ee Tel Aviv ee isniintii loo wareejiyay Jerusalem.

Quddus   ayaa waxaa ka taagan  muran  dhanka lahaanshaha ah oo u dhexeya   dowlada Falastiin iyo Israa’iil .

Israa’iil ayaa tan iyo sanadii 1967-dii haysatay  bariga Quddus.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *