Ra’iisul wasaarihii hore ee Malaysia oo xabsiga laga soo siidaayay

Wararka naga soo gaaraya dalka Malaysia ayaa sheegaya in xabsiga laga soo siidaayay Anwar Ibrahim oo horay u soo noqday ra’iisul wasaare ku xigeen.
Waxay tallabadan gogol xaar u taahy in Anwar Ibraahim uu dib ugu soo laabto saaxadda siyaasadeed ee Malaysia.
Xabsiga ayaa la dhigay kadib markii lagu eedeyay wax isdabomarin iyo dambiyo kale.
Ra’iisulwasaare Mahathir Maxamed ayaa saaka cafiska u fidiyay Anwar Ibraahim.
Markii la soo siidaayay kadib ayuu la hadlay warfidiyeenada isagoo sheegay in shacabka Malaysia uu mar waliba uga mahadcelinayo sida ay garab u siinayaan hannaanka dimuqaradiyadeed iyo xurriyadda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *