Waaxda FBI oo baaritaano ku sameynaysa shirkadda Cambridge

Wasaaradda cadaaladda ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in waaxda dambi barista ee FBI-da ay guda gashay baaritaano ka dhan ah shirkada bixisa adeegyada daatada iyo macluumaadka ee Cambridge Analytica,
Shirkaddan laga leeyahay ingiriiska ayaa horay loo soo tabiyay inay ku lug lahayd fadeexad si aanan habbooneyn loo adeegsaday macluumaadka 87 milyan oo qof oo isticmaala barta Facebook-ga.
Wargeyska ka soo baxa gudaha Maraykanka ee The New York Times ayaa ku waramaya in su’aalo la weydiiyay marqaati dhowr ah.
Hasa ahaate shirkadda Cambrdge analytica ayaa si adag isaga fogeysay inay ku xadgudubtay daatadda macamiishaasi Facebook.
Waxyaabaha lagu eedeyay ayaa ah inay macluumaadka malayiin qof si sharci darro ah ugu adeegsatay xayeysiimo ay u sameysay Donald Trump xiligii ololihii doorashada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *