27 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Shiinaha

0
257

27 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen shil bas oo maanta laga soo tabiyay Koonfurta Galbeed ee dalka Shiinaha.
Shilkan ayaa lagu tilmaamay midkii ugu dhimashada badnaa ee wadankaasi ka dhacdo sanadkan gudihiisa.
Shilka ayaa ka dhacay waddada wayn ee degmo ku taalla gobolka Guizhou ka dib markii uu waddada ka baxay bas siday 47 qof sida ay boolisku sheegeen.
20 qof oo dheeraad ah ayaa laga daaweynaya dhaawacyo halka goobtaasi la geeyay saraakiisha iyo maamullada gurmadka.
Shilalka waddooyinka ayaa ku badan Shiinaha waxaana loo aaneeya xeerarka degsan oo aan si buuxda loo dhaqangelin.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here