Ra’iisul wasaaraha Ciraaq oo ka hadlay dab ka kacay goob la dhigay sanduuqyada codbixinta

Ra’iisul wasaaraha wadanka Ciraaq Xaydar Al-cabadi ayaa shirqool ka dhan ah qaranimada iyo dimuqaradiyadda dalkaasi ku tilmaamay dhacdo uu shalay dab ku qabsaday bakhaarka ugu wayn ee la dhigo warqadaha codaynta.
Arrintan ayaa timid iyadoo dhawaan baarlamaanka dalkaasi uu ansaxiyay in mar kale dib loo tiriyo 11 milyan oo ah codadkii laga dhiibtay doorashadii baarlamaaniga ahayd.
Doorashadaasi ayaa natiijadii ka soo baxday waxaa ku guuleystay isbeheysiga uu hoggaamiyaha siyaasiga shuuciga ah ee Muqtada al-Sadr in kastoo ay hareyeen eedeymo la xiriira wax isdaba marin.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in la xaqiijiyay in dabku uu ka kacay mid ka mid ah labadii bakhaar ee ay ku jireen warqadihii lagu codeeyay.
Ra’iisul wasaaraha ayaa dhanka kale wacad ku maray in tallabo adag laga qaadayo cid waliba oo isku dayda inay amniga khalkhal geliso.
Ilaa iyo hadda lama xaqiijin sababta rasmiga ah ee keentay in dabku uu xaruntaasi qabsado halka sarakiisha doorashooyinka ay sheegeen inay gubteen qaar ka mid ah codadkii la tiriyay ee laga dhiibtay degmada al-Rusafa ee bariga magaalada Baghdad.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *