Hoggaamiyaasha Maraykanka iyo Kuuriyada waqooyi oo kulan taariikhi ah yeeshay

Madaxda uu sarreeya ee wadamada Maraykanka iyo kuuriyada waqooyi ee kala ah Donald Trump iyo Kim Jong Un ayaa kulankii ugu horreeyay oo lagu tilmaamay mid taarikhi ah ku yeeshay wadanka Singapore.
Warar xiiso leh ayaa ka soo baxay kulankaasi oo la sheegayo inuu qaatay 48 daqiiqo halka mas’uuliyiintan ay gacmaha isgaliyeen 13 ilbiriqsi.
Mr. Trump iyo Mr. Kim ayaa kulanka qaatay iyagoo ay wehelinayaan oo keliya sarakiisha u qaabilsan turjumaadda .
Mas’uuliyiintan ayaa diiradda saaray barrnaamijka hubka nukliyeerka ee xukuumadda Pyongyang iyo colaadda in muddo ah ka dhex jirtay wadamadaasi.
Waa kulankii ugu horreeyay ee dhex maro laba madaxweyne oo xil ka haya Marayknaka iyo kuuriyada waqooyi.
Hoggaamiyaha kuuriyada waqooyi ayaa sheegay in kulanka uunan si fudud ku suura gelin sidaa awgeed ay ka dhigantahay in laga gudbi karo farqigii kala dhexeyay Maraykanka, taasi oo uu Trump ku raacay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *