Hoggaamiyaha Kisumu oo shaqada ka ceyriyay madaxii shaqaalaha

Guddoomiyaha maamul goboleedka Kisumu Prof. Anyang Nyong’o ayaa shaqada ka ceyriyay madaxii shaqaalaha kadib markii uu ku eedeyay inuu isku dayay inuu toogto isaga iyo ku xigeenkiisa.
Patrick Lumumba Ouya aya shaqada laga diray kadib markii sida la sheegay uu guddoomiyaha ugu goodiyay inuu isaga iyo mas’uulka ku xiga tooganayo.
Bayaan ka soo baxay xafiiska Anyang Nyong’o ayaa lagu sheegay in arrinta uu ku dhaqaaqay Patrick Lumumba ay tahay mid aanan waafaqsaneyn cutubka 75 ee dastuurka dalka iyo qeybta 40-aad ee shuruucda ismaamulada.
Sido kale bayaanka waxaa qeyb ka ah in sarkaalkaasi lagu amray inuu sida ugu dhaqsiyaha badan xoghayaha guud ku wareejiyo dhamaan qalabka iyo hantida ismaamulka Kisumu

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *