Maxkamada shaqaalaha oo amartay in la turxaan bixiyo sarakiisha dowlada u qaabilsan soo iibsashada qalabka

Maxkamada shaqaalaha ee dalka ayaa soo saartay amar ah in turxaan bixin hor leh lagu sameeyo sarakiisha waaxyaha wasaaradaha kala duwan ee dowlada u qaabilsan soo iibsashada qalabka.
Waxay dhinac isaga dhigtay amar si ku meel gaar ah howshaashi loogu hakiyay.
Garsoore Onesmus Makau ayaa go’aankan ku dhawaaqay kadib markii uu dhageystay dacwad uu maxkamada geeyay Okiya Omtatah oo ka mid ah shakhsiyaadka u ololeeya xuquuqul aadanaha.
Waxaa uu xaakinka sheegay in Mr. Omtatah uusan ku guuleysan inuu soo bandhigo caddeymo wax ku ool ah oo arrinkaasi loo cuskan karo maadaama uu ku andacoonyay inay sharciga lidii ku tahay.
Amarka maxkamada ayaa waxaa sido kale qeyb ka ah in Mr. Okiya Omtatah uusan shaacin inuu gudbiyay dacwad uu uga soo horjeedo tallabadii madaxa shaqaalaha ee dowlada Joseph Kinyua uu ku soo saaray wareegto ku aaddan in sarakiisha ay xafiisyada banneyaan kadib markii madaxweynaha dalka uu go’aankaasi qaatay.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa 1-dii bishan lixaad sheegay in iyadoo musuqmaasuqa lala tacaalayo sarakiisha waaxyaha kala duwan u qaabilsan dhanka soo iibsashada agabka iyo xisabaadka looga baahanyahay inay dhamaantood shaqada dhinac uga istagaan si turxaan bixin cusub loogu sameeyo.
Amarka madaxweynaha ayuu Joseph Kinyua wareegto ka soo saaray taasi oo dacwad ka dhan ah maxkamada la geeyay in kastoo aanan weli lagu guuleysan.
Garsoore Makau ayaa hadda soo saaray go’aan maxkamadeed oo ah in sarakiisha ay arrintan saameysay laga doonayo in muddo 10 maalmood gudahood ay ugu hogaansamaan amarka dowlada turxaan bixin hor lehna lagu sameeyo.
Waxyaabaha looga fadhiyo waxaa ka mid ah inay mudadaasi gudaheed ku gudbiyaan macluumaadka ku aaddan hantidooda iyo deymaha lagu leeyahay.
Sido kale madaxa shaqaalaha dowlada ayaa la doonaya inay ku wareejiyaan macluumaad ku aadan canshuurihii ay bixinayeen saddax sano iyo hadii ganacsiyo ay leeyihiin sido kale cashuurihii laga qaadayay faahfaahintooda.
Hasa ahaate garsoore Makau ayaa dowlada uga digay inay ku xadgudubto ama bartilmaameedsato sarakiishaasi.
Waxaa uu intaasi ku daray in turxaan bixinta la sheegay ay qasab tahay in loo sameeyo sida waafaqsan dastuurka wadanka u degsan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *