Isku shaandheyn lagu sameeyay booliska dalka.

0
594

Waaxda qaran ee adeegga booliska ee NPS ayaa isku shaandheyn ku sameysay ciidamada ammaanka.
Isbeddelladan oo lagu dhawaaqay maanta ayaa saameynaya in ka badan 260 oo boolis ah.
100 ka mid ah saraakiishan waxay ka howlgalayeen caasimadda dalka ee Nairobi.
Taliyaha guud ee booliska dalka Mr. Hillary Mutyambai ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in isku shaandheynta looga gol-leeyahay wanaajinta bixinta adeegyada loo fidiyo shacabka.
Isbedellada ayaa ku soo aadaya xilli ciidamada ammaanka ee dalka si weyn loogu dhaliilay qaabka ay u fulinayaan amarrada dowladda ee lagu xakameynaya faafidda cudur sidaha corona.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii qaar ka mid ah Kenyaanka ku nool ismaamullada Nairobi, Nakuru, Machakos, Kiambu iyo Kajiado oo xayiraad la saaray ay daremeen culeys dhanka isku socodka ah ka dib markii boolisku ay xireen waddooyinka waaweyn.
Mr. Hillary Mutyambai ayaa dhacdadaas ka dib saraakiisha booliska ka dalbaday in ay dadweynaha ula macaamilaan qaab baniaadanimo ay ku dheehan tahay.
Hasa ahaate taliyaha guud ee booliska dalka ayaa digniin u jeediyay cid kasta oo aan u hoggaansamin amarrada uu ka midka yahay bandowga habeenkii isaga oo xusay in tallaabo sharciyeed laga qaadaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here