DEG DEG: Dhulgariir xooggan oo ku dhuftay markale wadanka Indonesia

Dhulgariir xooggan ayaa markale ku dhuftay jasiirada Lombok ee wadanka Indonesia, kasoo sababay iny guryo dhumaan.
Dhulgariirkan oo cabirkiisu yahay 6.2 magnitude ayaa daba socdaa dhulgariir kale oo cabirkiisu ahaa 6.9 oo malinkii axda ku dhuftay wadankasi ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 131 qof halka 156,000 qof kalena ay ku noqdeen hoy la`aan.
Hay`ada cimilada ee wadanka Indonesia ayaa sheegtay in dhulgariirka uu ahaay mid aad u xoogan wuxuuna kasoo bilaawdau meel 12km u jirto jasiiradasi.
Waxay ay sheegtey hayadan inaysan jirin suurtagalnimo ah inay keento tsunami, waana dhulgariirkii seddexaad ee ugu weynaa oo ku dhufta jasiirada Lombok muddo hal isbuuc gudaheed.
Wakala wararka ee Reuters oo soo xiganeyso goobjogayaal ayaa sheegtay in dhulgariirkii ugu dambeeyay uu dadka bananka u soo saaray iyagoo ka cabsanaya in guryahoodi ay ku soo ddumaan.
Dhismayaal badan oo ku yaalo jasiiradaasi ayaa wali taagan.
Wixii warar ah oo ku soo kordho wararkeyaga dambe ayaat ka arkhrisan doontaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *