DHAGEYSO Maxakamada ciidamada Qalabka side ee Soomaaliya oo xkun ku riday sadex nin.

Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sidee Dowlada Soomaaliya ayaa waxay maanta xukun ku riday askar horay uga tiirsanaa Ciidmada xooga dalka Soomaaliya oo lagu soo eedeeyay inay dhac u gaysteen shirkada isgaarsiinta Hormuud.
Xukunkaan waxaa ku dhawaaqay Gudoomiyaha maxkamadda darajada koowad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur (Shuute), waxaana ragaan oo sadex ahaa lagu xukumay inay si wada jir ah ubixiyaan lacagtii ay dhaceen oo gaaraysay $11,354, Sidoo kalana waxaa lagu xukumay min Shan sano oo xarig ah iyo in lagala laabtay ka mid ahaanshihii Ciidanka xooga Soomaaliya.
Sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka side ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur (Shuute).

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *