Garsoorka gobolka Hiiraan oo ka soo horjeestay go’aan ay horay u soo saareen baarlamaanka Hirshabeele.

Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka ee gobolka Hiiraan Ibraahim Xasan Cabdulle ayaa sharci daro ku tilmaamay go’aankii ay Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ku kala direen golihiii garsoorka ee maamulkaasi.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Baarlamaanka Hirshabeelle aysan awood u lahayn inay kala diraan Garsoorka islamarkaana uusan sax ahayn go’aankii Baarlamaanka ay qaateen.
Waxa uu tilmaamay in Wasiirka Wasaarada Cadaalada ee maamulka Hirshabeelle uu arrintan ka dambeeyo sida uu sheegayna ay jiraan khilaaf u dhaxeeya Xubnaha Garsoorka hirshabeele iyo Wasiirka Cadaalada isla maamulkaasi.
Gudoomiyaha ayaa xusay inay shaqadooda sii wadanayaan, sidoo kalena aysan aqbali doonin go’aanka ka soo baxay Baarlamaanka Hirshabeelle.
Lixdii bishan August oo ku beegnayd maalintii isniinta ee asbuucaan ayay ahayd markii Baarlamaanka Hirshabeelle uu kala diray golihii Garsoorka Hirshabeelle kadib kulan ay ku yeesheen Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka shabeelada dhexe sidoo kalena ah caasimadda maamulka Hirshabeelle.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *