Guddoomiyihii hore ee Nairobi oo maxkamad la soo taagayo

Waxaa maanta la filaya in maxkamada Milimani la soo taago barasaabkii hore ee dowlad goboleedka Nairobi Dr. Evans Kidero iyo sarakiil kale oo lala xiriiriyay musuqmaasuqa.
Waxaa su’aalo laga weydiin doonaa eedeymo loo soo jeediyay oo ah inuu si aanan habboonayn u adeegsaday awoodiisa sido kalena lacago lunsaday.
Galinkii dambe ee shalay ayay ahayd markii sarakiisha guddiga anshaxa iyo la dagalanka musuqmaasuqa ee EACC ay xireen Dr. Kidero iyo 8 sarkaal oo kale.
Agaasimaha waaxda dacwad oogista ee dalka Nuudiin Xaaji ayaa sheegay inay jiraan caddeeymo ku filan oo lagu maxkamadeyn karo eedeysanayaasha.
Sarakiisha kale ayaa magacyadoodu lagu sheegay Lilian Wanjiru Ndegwa, Jimmy Mutuku Kiamba, Gregory Mwanakongo, Stephen Ogago, Luke Mugo Gatimu, Maurice Ochieng Okere, John Githua Njogu iyo Grace Njeri,
Qareenka u doodaya Dr. Kidero, Tom Ojienda ayaa sheegay in waxyaabo badan ay jawaabi doonaan marka faahfaahin laga siiyo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *