Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta oo wacad ku maray in la burburin doono dhismooyiinka ka ag dhaw wabiyada.

Madaxweynaah dalka Uhuru Kenyaatta ayaa sheegay in ay sii socon doonaan dhismooyiinka sharci darada ah ee ka ag dhaw goobaha biyo mareenka ah.
Madaxweyne Kenyaatta ayaa ka dhawaajiyay in talaaba sharciga waafaqsan laga qaadi doono saraakiisha ka soo horjeesta burburinta dhismooyiinka ku ag yaala wabiyada.
Sido kale mudane Kenyaatta ayaa carabka ku dhuftay inuu ku dadaali doono sidii dalka looga ciribtiri lahaa falalka musuqmaasuqa ah.
Hogaamiyaha ugu sareeya ee dalka ayaa hadalka uga gol leh si looga badbaadi lahaa webiyada si marka daadad ay jiraan aysan ugu dhalan saameyn barakac iyo burbur lixaad leh keeni karto.
Dhinaca kale Guddoomiyaha maamul goboleedka Nairobi, Mike Sonko ayaa ku baaqay in cid waliba oo si sharci darro ah ku qaadatay dhulka dugsiga hoose dhexe ee Langata iyo 14 kale laga doonayo inay dib u soo celiso.
Mike Sonko ayaa qoraal uu soo dhigay baraha ay bulshada ku wada xiriirto ku sheegay inuu digniin adag u jeedinayo shakhsiyaadka falkaasi sameeyay.
Waxaa uu intaasi ku daray in qof waliba oo degan ama ku ganacsado dhul la boobay laga doonayo in sida ugu dhaqsiyaha badan uu uga guuro.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *