Mucaaradka Israa’iil oo ka soo horjeestay qaranimada Yahuuda

Mucaaradka Israa’iil ayaa ka biya diiday sharci uu baarlamaanka meel mariyay oo Israa’iil u aqoonsanaya inay tahay qaranka yahuudda.
Sido kale waxaa toddobaadyadii la soo dhaafay jiray dibadbaxyo ballaran oo arrinkaasi looga soo horjeedo.
Mudaharaadyada ayaa lagu dalbanayay in dib u eegis lagu sameeyo sharcigan taasi oo horseeday inuu baarlamaanka ka doodo.
Golaha sharci dejinta ee Israa’iil ee Knesset ayaa yeeshay kal fadhi gaar ah kadib markii dhinaca mucaaradka ay heleen 25 cod oo ka biyda diidsan sharciga muranka dhaliyay ee la ansaxiyay.
Hoggaamiyaha mucaaradka Israaiil Tzipi Livni ayaa sheegtay inay dalbanayaan in muwaadiniinta dhamaan ay helaan xuquuq siman.
Sharcigan oo la meel mariyay 19-kii bishii hore ee July ayaa loo arkay mid gacan bidixeynayo qowmiyadaha kale ee laga tirada badanyahay oo ay ka mid yihiin 1.8 milyan falastiiniyiin ah oo haysta jinsiyadda Israa’iil.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *