Raila Odinga oo beeniyay isku shaandheyn lagu sameynayo golaha wasiirada

Hoggaamiyaha urur weynaha mucaaradka Nasa , Raila Odinga ayaa arrin aanan xaqiiqda ku saleynayn ku tilmaamay warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta dalka oo lagu sheegay in dhawaan isku shaandheyn lagu sameynayo golaha wasiirada.
Mr. Odinga ayaa hoosta ka xariiqay inaysan isaga iyo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta arrinkasi ka wada hadlin.
Sido kale waxaa uu mala awaal ku micneeyay safar la sheegay in isaga iyo Mr. Kenyatta ay toddobaadkan ku tagayaan gobolkii hore ee Nyanza.
Mr Odinga ayaa xili uu ku sugnaa darta Orange House ee magaaladatani Nairobi carrabka ku dhuftay in waxyaabahaasi ay yihiin kuwo laga been sheegay.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inuusan kaalin ku lahayn isbedelada lagu sameeyo golaha wasiiradda.
Hadalka Mr. Raila ayaa imaanaya maalmo un kadib markii wasiirka wasaaradda cayaaraha, hidaha iyo dhaqanka Rashid Maxamad Achesa uu hoggaamiyaha Nasa ku eedeyay inuu ka shaqeynayo sidii xilka qaadis loogu sameyn lahaa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *