Ururka macalimiinta ee KNUT oo weli ku adkeysanaya shaqa joojin

Ururka qaran ee ay ku bahoobeen macalimiinta dalka ee KNUT ayaa wacad ku maray inuu ka dhabeyn doono digniinta ah in barayaasha ka tirsan ay 1-da bisha sagalaad ee sannadkan ku dhaqaqayaan shaqa joojin.
Tallabadaasi ayaa suuragal noqonaysa hadii guddiga adeega macalimiinta ee TSC uusan ka laaban barnaamij uu wado oo lagu dhaliilay.
Guddiga adeega macalimiinta ee TSC ayaa weli ku howlan barnaamijka macalimiinta loogu wareejinayo xarumo kale oo ay wax ka dhigayaan taasi oo ururka KNUT uu ka soo horjeestay.
Xoghayaha guud ee ururka KNUT ahna xildhibaan baarlamaanka si magacaabis ah ku galay Mr. Wilson Sossion ayaa sheegay in TSC laga doonayo inay barnaamijkaasi soo afjarto.
Waxaa uu ku doodaya in macalimiinta la geynayo degaanada kale ay horseedeyso saameyn dhanka qoyska ah.
Mr.Sossionm ayaa intaasi ku daray in qorshaha TSC la dhaqangeliyay isagoo aanan lagala tashan maamulada kale ee ay si gaar ah u khuseyso waxbarashada dalka.
Weli waxaan ku guda jirnaa wararka waxbarashada, dowlad goboleedka Tana River ee gobolka xeebta ayaa soo saartay 40 milyan oo shilin oo loo adeegsanayo fulinta mashariicda dhanka tacliinta.
Agaasimaha waxbarashada ee ismaamulka Tana River Mr.Gitonga Mbaka ayaa sheegtay in lacagtaasi ay ka faaiideysanayaan 11 ka mid ah dugsiyada sare ee ku yaalo deganadaasi.
Dugsiyadan waxaa ka mid ah midka sare ee wiilasha iyo gabdhana ee Hola iyo Ngao , Mau Mau Memorial Girls, Tarasaa Mixed, Gadeni, Mororo, Nanigi iyo Kora .
Mr .Mbaka ayaa maamulayaasha dugsiyadan ku booriyay inay dhaqaalaha la siiyay u isticmalaan oo keliya kaabayaasha horumarineed ee dhanka tacliinta.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *