WAR DEG DEG AH :Raisul wasaaraha Somalia oo shqa joojin kusameeyay mid ka mid ah wasiiradiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shaqada kajoojiyaya  Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud, kadib warqad ka soo baxday xafiiskiisa.

Warqadan ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa la ogeysiiyay Wasiirka iyo Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmajo.

Sababta shaqada looga joojiyay ayaa waxaa lagu sheegay inay socoto baaris ku aadan eedeyn ay Hantidhawrka iyo Xeer ilaalinta ku soo oogeen Wasiir ku-xigeenka, taasi oo  la xiriirta musuq maasuq.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa Sabtidii aynu soo dhaafanay  waxa ay xafiiskiisa shaqo ugu tageen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda, si ay u soo xiraan , waxaana ka dhashay muran sababay inuu soo fara geliyo raisul wazaaraha Somalia  mudane Hassan ali kheyre .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *