WARBIXIN :Dowlda dalka rushka oo kutilmaamatay cunaqabateynada cusub ee uu marenkanka saaray kuwa aan la aqbali karin .

Aqalka Kremlin-ka dalkaasi Rushka ayaa maalintii khamistii kudhawaaqay in cunaqabateynada uu mareykanka saaray dalka rushka ay yihiin kuwa aan la aqbali Karin, cunaqabateynadan ayaa xukuumada rushka lasaaray kadib markii lagu edeeyay weerarar loo adeegsaday sunta neerfaha waxyeeleysa  oo ladoonayay in lagu khaarijiyo nin horay basaas u ahaa taaso lacagta  iyo dhaqaallaha dalka rushka si aad ah usaameysay .

Talaabadan uu mareykank qaaday ayaa waxaa ay kusoobeegmeysaa xili bil kahor uu madaxweynaha mareykanka donald trump oo madaxweynaha dalka rushka valadamiir putin ay kukulmeen magaalada Helsinki.

Xukuumada Washington ayaa maalintii arbacada sheegtay in cunaqabateynadan cusub ay yihiin kuwa looga fal cilinayo talabadii uu rushka kuisticmaalay  sunta lagu magacaabo ‘Novichok’ oo neervaha wax yeeleysa taaso lagu doonayay in lagu khaarijiyo muwaadin udhasahay dalka UK oo lagu magacaabo Sergei Skripal” kaaso ahaa  laba wakiil  basaasna ahaa  iyo gabar udhalay oo iyadauna lagu magacaabo Yulia  gudaha dalka UK bishii marso ee aynu soo dhaafanay.

Mareykanka ayaa sidokale sheegay in cunaqabateynadan looga gol leeyahay in lagu ciqaabo dowlada putin waayo  waxay adeegsatay xukaamadiisa  ” hubka kiimikada ama baayoolojiga ah. Waxayna kuxad gudbeen  sharciga caalamiga ah.

Madaxweynaha dalka mareykanka  Donald Trump oo lakulamay madaxweynaha dalka rushka  valadamiir putin bishii july ee aynu soo dhaafnay  ayuu sheegay in xukumada Moscow ay rajeyneyso  in xiriir wanaagsan ay layeelato dalka mareykanka .

Cunaqabateynadan ayaa waxaa ay sabababeen in lacagta dalka rusha ee ruble-ka looyaaqaano ay 66.48 ay hoos udhacday marka loo barbardhigo lacagta dollar mareykanka  taaso kadhigeyso hoos udhacee ugu weynaa ee kudhaca lacagta dalka rushka tani bishii novembar ee sanadii 2016-ka . dhanka kale suuqyada saamiga dalka rushka ayay cunaqabateyntan  aad saameysay.

Talabadan ayaa waxaa ay sidokale meesha kasaareysa alaabo  malaayin  dollar kukacayo oo uu  rushka dhoofin jiray.

Bangiyada rushka ayay sidokle cunaqabateyntan saameysay, .  dhaqaalaha dalka rushka ayaa horanba laliilicayaya  cunaqabateyno lasaaray sanadii 2014-kii  taaso laxiriirta faragilintii uu rushka kulahaa xukamada Ukraine .

Xirirka diblomaasiyadeed ee dalka rushka iyo mareykanaka  ayaa ahaa mid aan aad u wanaagsaneyn sanadihii ugudambeeyaya, Bishii march ayay aheyd markii ay xukuumada washinton ay dalkeeda kasoo ceyrisay 60 diblomaasiyiin oo rushian ah .

Iyaadoo taa kafal celinayo dowlda rushka ayaa iyaduna  dhankeeda soo ceyrisay 60 diblomaasiyiin  kasoojeedo dalka mareykanaka.

WAXAA QORAY JAMAL AHMED ABDURAHMAN (JAMALUDIN)

:XIGASHO WAKALADA WARARKA EE AFP

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *