Ciidamada Jubaland oo qabtay rag maandooriye ka ganacsanayay.

Ciidamada Booliska maamulka Jubbaland ayaa soo bandhigay Laba nin oo ay sheegeen inay ku soo qabteen ayagoo ka ganacsanaya waxyaabaha maanka dooriya, oo ay soo gelinayeen gudaha magaalada Kismaanyo.
Ciidamada Booliska oo hawlgalo gaar ah ka sameeyeen agagaarka Xeebta magaalada Kismaayo, ayaa ragaan gacanta ku soo dhigay sida ay sheegeen saraakiisha amaanka.
Afhayeenka Ciidanka Booliska ee Maamulka Jubbaland Jaamac Axmed Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in raggan hada ay ku jiraan gacanta ciidamada ammaanka, sidoo kalena dhawaan maxkamada la hor gayn doono.
Wuxuuna cid walba oo arimahaan ku howlan ugu baaqay inay ka waantoobaan maadaama uusan sharcigu u turi doonin kuwa amaanka iyo xasiloonida bulshada carqaladaynaya.

Ciidamada Booliska ee maamulka Jubbaland waxa ay sheegeen inay sii wadi doonaan hawlgalada noocaan ah ee looga hortagayo dadka ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya waxayna sheegeen in sidaan oo kale ciidamada ay horay gacanta ugu dhigeen rag ka ganacsanayay maandooriyeesha.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *