Maamulka NEMA oo dhismaha Ukay ku burburiyay xaafadda Westland ee Nairobi

Sarakiisha maamulka qaran ee maareynta degaanka ee NEMA ayaa goor dhow burburiyay dhisme lagu magacaabo Ukay oo ku yaallo xaafadda Westlands ee magaaladatani Nairobi.
Xaruntan ganacsi ayaa dhismaheeda lagu qarash geliyay lacag dhan 900 milyan oo shilin.
Hasa ahaate dowlada ayaa sheegeysa in laga dhisay goob aanan munaasab ahayn.
Sido kale mulkiilayaasha dhismahan ayaa maalmo ka hor ku guuldareystay inay hor istagaan amark dhaqangelinta amarka maanta lagu dumiyay.
Shirkadda Kental ayaa dacwad ka gudbisay dowlad goboleedka Nairobi, maamulka NEMA, maamulka maareynta biyaha ee WARMA iyo xeer ilaaliyaha guud ee dalka.
Hasa yeeshee maxkamada saree e dalka ayaa diiday inay dacwadaasi tixgeliso
Agaasimaha guud ee xarunta Ukay ,Bimal Shah, ayaa dhankiisa ku doodaya inay u hoggaansameen dhamaan shuruucdii looga baahnaa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *